Waxeeynu ka hadli doonaa hal qodob dad badana ay aaminsanyihiin dad badana dhagahooda ay maqleen.
Horta waxyaalaha arinkaan tilmaamaya ee axaadiista laga dhigaa waa wax jira oo kutubta ku xusan lkn wax sugan ma ahan oo waa wax daciif ah
Bisha shacbaan axaadiista ku soo uruurta ma ahan axaadiis sugan inta abadan.
Sidaa darteed abuu Baker (RC) kitaabkiisa axkaamu qur'aan wuxuu ku tilmaamay waxyaabaha tilmaamaya in rusuulka uu yiri ajashaa labadalaa yacni inta laagu tala galay in ay dhintaa sanadka ayaa inta malag loo dhiibo ladhahaa orod soo dil oo soo dadaji ajashooda bishaan.
Marka axaadiistaas oo dhan ma sugna ayey leeyihiin culimada oo waa daciif.
Marka bishu bilaha kale ayey lamid tahay oo waxba kama duwana.
Sidaa darteed ma jirto bil geerida badato iyo bil ay geerida yaraato mida kale geerida wakhti kasta ayey nasugeeysaa oo malakul moowt in eeganayo ee bil gooni ah kuma eka dhimashada.
Bishaan waa bil raxmo waa bishii kheerka labadsanayey waa bishii sunada labadsanayey waa bishii qur'aanka labadsanayey waa bishii cafinta iyo saamaxaada.
Ee ma ahan naxdin iyo dhimasho ilaahey baana qur'aan-kiisa ku leh
وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ ۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ
Qofna lagama soo dedejinaayo 1 daqiiqo geeridiisa qofna lagama dib dhigaayo 1 daqiiqo
0 Comments