Ciidanka Booliska qeybta guud ee G/Banaadir gaar ahaan ciidanka Deegaanka Ceelasha Biyaha oo sameeyay Howgal Amni xaqiijin ah ayaa gacanta kusoo dhigay tiradii ugu badnaa oo kamid ah Ciyaaleerada, kuwaas oo watay Tooreeyo, Baangado islamarkaana ku howlanaa dhibaateenta Shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka ayaa Kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-gelle ee Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana Dhamaantood lagu soo xiray Saldhigga Deegaanka.
Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go,an sii laba jibaarida Howgaladaan si Amaanka Bulshada u noqda Mid sugan.
Waa kuwaan qeeyb kamid ah sawirada dhalinyarada lasoo qabtay iyo hubkoodii....
0 Comments