YAAB!! Cancelo Oo Haddana Khaati Ka Taagan Bayern, Doorkiisa Kulanka PSG & Madax Xanuunka Cusub Ee Uu Doontay


YAAB!! Cancelo Oo Haddana Khaati Ka Taagan Bayern, Doorkiisa Kulanka PSG & Madax Xanuunka Cusub Ee Uu Doontay

Daafaca garab ee ree Portugal ee Joao Cancelo oo la ogaa inuusan xaalad wanaagsan kaga tagin Mancesher City suuqii January ayaa haatana xaalad kale oo adag ku wajahaya Bayern Munich oo uu amaah kula joogo.

Sababta ugu weyn ee heshiiska Bayern uu u doonayay Joao ayaa ahaa inuu wakhti ciyaareed wanaagsan helo kaddib markii uu hoos uga dhacay xulashada tababare Pep Guardiola.

Toddobaadkan kulankii ay Bavaria guusha 2-1 ah kasoo gaadheen Stuttgart ayuu Cancelo ahaa bedel aan la adeegsan, Josip Stanisac ayaa daafaca midig dheelayay halka Alphonso Davies daafaca bidix ciyaaray.

Xaaladaas ayaa sii socon doonta sida lagu sheegay kanaalka Sky Sports Germany waxaana lagu wadaa in Cancelo kursiga keydka markale kusoo bilawdo kulanka Champions League ee PSG ee habeen dambe.

Tababare Julain Nagelsmann ayaa la filayaa inuu markale shax ciyaareedka saddexda daafac dhexe ku ciyaaro habeen dambe.


Post a Comment

0 Comments