Deg Deg: Maxkamada ciidamada putland oo 19 nin dil ku xukuntay...
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo 13 ka mid ah ay ahaayeen shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee AS iyo Daacish.
13-ka mid ah dadka lagu fuliyay dilka ayaa lagu helay kamid ahaanshaha kooxaha Khawaarijta ah iyagoo horay u gaystay dilal iyo qaraxyo, lixda kale waxay ahaayeen askar horay uga tirsaneyd ciidamada Puntland oo lagu helay dembiyo dilal ah oo ay geysteen.
Magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garowe ayay ka kala dhaceen fulinta dilka toogashada ah.
0 Comments