Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan 'Saadaq John' ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka dalka Turkiga.
Janaraal Saadaq oo siyaasadda kaga yimid dhanka ciidanka, kaalin weyna ka qaatay badbaadinta dimuqoraadiyadda iyo qori isku dhiibkii sunnada ahaa ee dalka ayaa markaan u jiheystay dhaqangelinta halheyskii madaxweynaha ee ahaa "Somali heshiis ah dunidana heshiis la ah".
Baarlamaanka labadiisa aqal ayaa Saadaq u arka in uu yahay shaqsi kasoo dhalaali kara howshan loo igmaday, marka la eego aqoontiisa iyo kartidiisa.
0 Comments